HomeWararKulamo xal loogu raadinayo Khilaafka RW Rooble iyo Farmaajo oo weli socda

Kulamo xal loogu raadinayo Khilaafka RW Rooble iyo Farmaajo oo weli socda

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Khilaaf xoogan ayaa weli ka dhex taagan Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in labada dhinac ay ka heshiiyaan khilaafka ka dhex jira.

- Advertisement -

Kulankii ugu saacadaha badnaa ayaa xalay dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo labada Madaxweyne Dowlad Goboleed, waxaana la sheegayaa in illaa iyo hadda aan la isku afgaran qorshayaal bilow u ahaa dhex dhexaadin iyo isu soo dhoweynta labada dhinac.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu weli ku taagan yahay mowqifkiisa, kuna adkeysanayo go’aamadiisa hore ee ahaa in Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA uu yahay Bashiir Goobe.

Dhinaca kale Qoorqoor iyo Lafta-gareen ayaa kulan kale la yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoona kala hadlay sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka kala dhexeeya Rooble, kaasi oo gaaray heerkii xumaa.

- Advertisement -

Si kastaba Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii NISA Fahad Yaasiin iyo Wasiirkii amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey, waxaana xilka qaadista kasoo horjeestay Madaxweyne Farmaajo, wallow Farmaajo uu aqbalay iscasilaad uu u soo gudbiyay Fahad Yaasiin.

Latest stories