HomeWararWasiirkii hore ee Amniga oo ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay

Wasiirkii hore ee Amniga oo ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirkii hore amniga Xukkumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay Xilka Qaadistii uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Xasan Xundubeey oo warbaahinta la hadlay sidoo kalena qoraallo kala duwan soo saaray ayaa sheegay in Xilka qaadistii lagu sameeyay ay ahayd mid sharci darro ah, waxaana uu ku […]

- Advertisement -

Wasiirkii hore amniga Xukkumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay Xilka Qaadistii uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xasan Xundubeey oo warbaahinta la hadlay sidoo kalena qoraallo kala duwan soo saaray ayaa sheegay in Xilka qaadistii lagu sameeyay ay ahayd mid sharci darro ah, waxaana uu ku tilmaamay in ay tahay mid uu doonayo RW Rooble in dalka uu qalalaaase hor leh galiyo.

- Advertisement -

“Aniga iyo RW Rooble waxaan isku ogayn, oo aan isku dhaarsannay in dalka dhibaatada laga saaro, waxaana ka mid ahaa Wasiirada sida gaarka ah ula saqeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble, lama joogo xilli la is qabqabsado oo xil la iska qaado, waxaa dalku uu galayaa doorasho, waana in laga wada shaqeeyaa arrimahaas” ayuu yiri Wasiirkii Xilka laga qaaday Xasan Xundubeey Jimcaale.

Wasiirkii hore ee amniga Xukuumadda Federaalka ayaa intaasi ku daray in ay been abuur tahay wararka sheegaya in isagu dalbaday in xilka laga qaado, waxaana uu sheegay in aysan sharci ahayn xilka qaadistiisu.

Hadalka Xasan Xundubey ayaa imaanaya iyadoo Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble  xilka Wasiirka amniga loogu magacaabay inuu noqdo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, taasi kasoo hor jeestay Madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in ay tahay sharci dorro.

Latest stories