HomeWararQoorqoor oo Muqdisho soo gaaray iyo u jeedka safarkiisa

Qoorqoor oo Muqdisho soo gaaray iyo u jeedka safarkiisa

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goordhaweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo lagu soodhaweyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Warar hoose oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in u jeedka uu Qoorqoor ee uu Muqdisho u yimid uu yahay arrimo la xariira Khilaafka soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare Maaxmed Xuseen Rooble […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goordhaweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo lagu soodhaweyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in u jeedka uu Qoorqoor ee uu Muqdisho u yimid uu yahay arrimo la xariira Khilaafka soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare Maaxmed Xuseen Rooble iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed farmaajo.

- Advertisement -

Wararka aan helnay ayaa intaa ku daraya in madaxweyne Farmaajo uu u yeeray Qoorqoor,si uu u kala dhexgalo labada mas’ul ee khilaafku u dhexeeyo.

Dhanka kalena Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ka dib Safar Maalmo qaatay oo ugu Maqnaa Dalka Turkiga.

Lafta-gareen iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa lagu soodhaweyay garoonka, waxaana horay uu Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ugu maqnaa dalkaasi Turkiga.

Latest stories