HomeWararXiliga ay dhaceyso Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo la shaaciyay

Xiliga ay dhaceyso Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Guddiga hirgelinta doorashada  Maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray Jadwalka doorashada xubnaha Aalka Sare Baarlamaanka Federaalka ku metelaya maamulka Hirshabeelle.

Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta berri ay bilaabaneyso Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare, ayna ku egtahay isla berri oo Khamiis ah.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa shaaciyay in doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Hirshabeelle ay dhaceyso inta dhexeeysa 13- September illaa 15-ka Bisha, sida ku Cad Jadwalka lasoo saaray.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Maanta soo gudbiyay liiska Musharaxiinta Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana Musharaxiinta ay tirro ahaan gaarayaa 33 Musharax.

Kursiga ugu adag ee doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa ah kan haatan uu ku fadhiyo Senatar Muuse Suudi Yalaxoow, waxaana kula loolami doona Afar Musharax oo kala ah Cabdullaahi Sh Xasan, Axmed Daaci, Muxudiin Xasan Afrax  iyo Dr. Xasan Cadaay

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada ee lasoo saaray.

Latest stories