HomeWararNISA oo shaacisay in Yaasiin Fareey uu la wareegay xilka uu u...

NISA oo shaacisay in Yaasiin Fareey uu la wareegay xilka uu u magacaabay Farmaajo

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka eev NISA ayaa shaaciyay in Taliyaha cusub ee KMG ah ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ee uu xalay magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka la wareegay. Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Munaasabad Maanta ka dhacday Xarunta Habar […]

- Advertisement -

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka eev NISA ayaa shaaciyay in Taliyaha cusub ee KMG ah ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ee uu xalay magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka la wareegay.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Munaasabad Maanta ka dhacday Xarunta Habar Khadiijo uu xilka kula wareegay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi ee uu magacaabay Farmaajo.

- Advertisement -

Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi ayaa xilka kala wareegay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Madaxtooyada shaacisay inuu is Casilay, isla markaana Madaxweynaha muddo xileedkiis dhammaaday Farmaajo uu Yaasiin Fareey u dhiibay xilka NISA.

“Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud. Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay NISA.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalin kahor shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana si KMG ah Taliyaha NISA ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe.

- Advertisement -

Si kastaba Tallaabadan ayaa ah mid looga hortagayo isku dayga Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aadan in xilka uu kula wareego Agaasimaha kumeel gaarka ee uu u magacaabay HAy’adda NISA Sarreeye Guud Baahiir Goobe.

Latest stories