HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo qabatay Dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin iyo Saraakiil...

Maxkamadda Ciidamada oo qabatay Dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin iyo Saraakiil kale

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa Dacwad ka dhan ah Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiil kale oo kamid ah NISA u gudbiyay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Qoraal loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu sheegay in Eedeysanayaal ay ku jiraan Saraakiil […]

- Advertisement -

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa Dacwad ka dhan ah Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiil kale oo kamid ah NISA u gudbiyay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Qoraal loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu sheegay in Eedeysanayaal ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA ay ku lug leeyihiin kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaalad ah oo NISA sheegtay in la dilay.

- Advertisement -

Magacyada Eedeysanayaasha ay xuseen qoyska Ikraan ayaa waxaa kamid ah Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Cabdullaahi Kulane, Cabdiqani diirane (Wadna-qabad) iyo Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ka dalbaday in baaris qoto dheer lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo Hay’adda NISA sheegtay in la dilay, taas oo nolal iyo geeri lagu la’yahay muddo laba Bil.

Hoos ka Akhriso Qoraalka loo gudbiyay Xeer ilaalinta Maxkamadda.

- Advertisement -

Latest stories