HomeWararMadaxweynaha Puntland oo ku wajahan Magaalada Gaalkacyo iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Magaalada Gaalkacyo iyo ujeedkiisa

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii dambe safar ku joogay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa Maanta waxaa uu ku wajahan yahay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa ka socota qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saacadaha soo socda tegaya halkaas.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Madaxweynaha Puntland uu yahay mid la xiriira xarig ka jarida Garoonka kubadda Cagta Magaalada Gaalkacyo ee Cawaale Studium oo si casriya loo dhisay.

Inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo, Madaxweyne Deni ayuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Magaalada, kan Gobolka Mudug, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa kormeer ku tegi doona dhismaha dekedda Garacad oo meel wanaagsan maraya, isla markaana si casri ah loo dhisay, isagoona xog-wareysan doonaa Maamulka gacanta ku haayo shaqada dhismaha.

- Advertisement -

Madaxweyne Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, wuxuuna halkaas kula kulmay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladdaas, Ganacsato iyo siyaasiyiin kale.

Latest stories