HomeWararMadaxweynaha Puntland Deni oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Deni oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ugu maqnaa maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa Maanta oo Arbaco ah gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Madaxweyne Deni iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo siweyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo qeybaha Bulshada, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ugu maqnaa maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa Maanta oo Arbaco ah gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo siweyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo qeybaha Bulshada, isagoona Deni ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Madaxweynaha Puntland uu yahay mid la xiriira xarig ka jarida Garoonka kubadda Cagta Magaalada Gaalkacyo ee Cawaale Studium oo si casriya loo dhisay.

Inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo, Madaxweyne Deni ayuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Magaalada, kan Gobolka Mudug, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa kormeer ku tegi doona dhismaha dekedda Garacad oo meel wanaagsan maraya, isla markaana si casri ah loo dhisay, isagoona xog-wareysan doonaa Maamulka gacanta ku haayo shaqada dhismaha.

Latest stories