HomeWararMaamul Goboleed gacanta ku dhigay in ka badan 2 Milyan oo Lacag...

Maamul Goboleed gacanta ku dhigay in ka badan 2 Milyan oo Lacag Faalso ah

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa manta howlgalo ay sameeyeen ku guleystay in ay qabtaan lacago Faalso ah oo iskugu jirtay Doolar iyo EURO oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo Magaalada Boosaaso, taasoo howlgalada ka dib ay ku guulaysteen ciidamada kantaroolka Boossaso. Lacagtaan faalsada ayaa dhammeyd in ka badan 2 Milyan iyo lix […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa manta howlgalo ay sameeyeen ku guleystay in ay qabtaan lacago Faalso ah oo iskugu jirtay Doolar iyo EURO oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo Magaalada Boosaaso, taasoo howlgalada ka dib ay ku guulaysteen ciidamada kantaroolka Boossaso.

Lacagtaan faalsada ayaa dhammeyd in ka badan 2 Milyan iyo lix boqol iyo sodon kun oo iskugu jirtay lacagaha dolarka iyo EURO,  waxaana waraaqaha lacagaha ay isugu jireen oo ku qornaa midkiiba boqol kun, iyo Toban kun, iyo kun, halka sidoo kale la doonayay in lagu qaldo lacago jajab ah.

- Advertisement -

Goobta lagu soo bandhigay lacagtan been abuurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Duqa Magalada Boosaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil Taliyaha Booliiska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud iyo Maamulaha Bangiga Bosaaso Muuse Ow Xuseen Ducaale.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay lacagaha faalsada ah ayaa sheegay in ciidamada Booliiska ay ku guulaysteen qabashada lacagtan iyo dadkii watay isagoo sheegay in ciidamada ay dadka iyo dalka ka badbaadiyeen in shacabka lagu dhaco laguna dhibaateeyo taasoo wadata khatarteeda hadii ay gali lahayd suuqyada magaalada Bosaaso.

Taliyaha ayaa ugu danbayntii sheegay in sharciga la horgayn doono cidii wadatay lacagtaas sidoo kalana u mahad naqay ciidamada Booliska oo uu sheegay in ay kaalin mug leh ay kaga jiraan dadkooda iyo dalkooda sidii ay uga qaban lahayeen wax kasta oo dhibaatenaya shacabka.

- Advertisement -

Lacagtan faalsada ee isugu jirtay doolarka iyo eurada ee lagu qabtay magaalada boosaaso ayaa ahayd lacagtii ugu badnayd ee lagu qabto magaalada Boosaaso iyo deegaanada kale ee Puntland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts