HomeWararHirshabeelle oo Caawa Amaro cusub kasoo saartay Amniga Magaalada Jowhar

Hirshabeelle oo Caawa Amaro cusub kasoo saartay Amniga Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Taliska Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Caawa Amaro cusub kasoo saaray amniga doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ka dhacaya Magaalada Jowhar ee  Caasimadda Maamulkaas. Afhayeenka Booliska Hirshabeelle Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa  uu sheegay in la mamnuucay gaadiidka iyo hubka sida sharci darrada loogu dhex wato Magaalada Jowhar. Afhayeen […]

- Advertisement -

Taliska Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Caawa Amaro cusub kasoo saaray amniga doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ka dhacaya Magaalada Jowhar ee  Caasimadda Maamulkaas.

Afhayeenka Booliska Hirshabeelle Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa  uu sheegay in la mamnuucay gaadiidka iyo hubka sida sharci darrada loogu dhex wato Magaalada Jowhar.

- Advertisement -

Afhayeen Gaashaanle Diini Rooble ayaa sheegay in gudaha Caasimadda Maamulka uusan dhex lugeyn karin Askari hubeysan oo aan ka tirsaneyn Ciidanka loo xilsaaray sugida amniga, waxaana Musharaxiinta la faray inay xakameeyaan Ilaaladooda la socda.

Taliska Booliska ayaa laamaha amniga ku amray in aysan xabbad micno darro ah ridi karin, sidoo kalena aan marnaba la ogeyn in gaadiid iyo hub sharcin darro ah lagu dhex heysto Magaalada Jowhar.

Ugu dambeyn Taliska Booliska Hirshabeelle ayaa shacabka Caasimadda maamulka faray inay si dhowr ula shaqeeyaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan, isla markaana ay kusoo wargeliyaan wax kasta oo amniga lid ku ah.

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka, kadib markii Maanta Madaxweyne Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska Musharaxiinta.

Latest stories