HomeWararDuqii hore ee Muqdisho oo si kulul uga hadlay Wareegtadii uu soo...

Duqii hore ee Muqdisho oo si kulul uga hadlay Wareegtadii uu soo saaray Farmaajo

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho ayaa sheegay in Dulucda wareegtadii magacaabista ee uu xalay soo saaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay tahay mid lagu hor istaagi rabo baarista kiiska IkraanTahliil Faarax oo aheyd Sarkaalad ka tirsaneyd NISA. Taabid Cabdi Maxamed oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Madaxtooyada kasoo horjeedo in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho ayaa sheegay in Dulucda wareegtadii magacaabista ee uu xalay soo saaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay tahay mid lagu hor istaagi rabo baarista kiiska IkraanTahliil Faarax oo aheyd Sarkaalad ka tirsaneyd NISA.

Taabid Cabdi Maxamed oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Madaxtooyada kasoo horjeedo in baaris Madaxbanaan lagu sameeyay kiiska IkraanTahliil, iyada oo si cad loo baalmarayo sareynta sharciga, hannaanka garsoorka iyo caddaaladda.

- Advertisement -

Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa tilmaamay in tallaabada ay Madaxtooyada qaaday lagu carqaladeynayo doorashada dalka ee ugu dambeysay heshiiskii iyo iscafintii uu RW Rooble ka qeyb galay, iyo guud ahaan xasilloonida siyaasadda dalka.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciddii si toos amma si dadban u hor istaagta nidaamka garsoorka dalka iyo doorashadaba ay qaadi doonto mas’uuliyadda dhibaatada ka timaada.

“Dulucda dhambaalka Villa Somalia waa isku day fal kasto oo lagu hor istaagi rabo baaris madaxbanaan oo lagu sameeyo kiiska IkraanTahliil iyada oo si cad loo baalmarayo sareynta sharciga, hannaanka garsoorka iyo caddaaladda, waana mid xadgudub ku ah xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed. Mana jiro qof damiir leh oo dalka iyo dadka ka naxaya oo aqbali kara labbadan ficil ee gurraca” ayuu yiri Taabid Cabdi Maxamed.

- Advertisement -

Kiiska IkraanTahliil Faarax ayaa waxaa ka dhashay khilaaf soo kala dhex-galay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyagoona khilaafkooda haaray heerkii ugu xumaa.

Latest stories

No posts to display