HomeCaalamkaIsraa'iil oo baadi goob xoogan ugu jirta Maxaabiis ka baxsaday xabsi weyn

Israa’iil oo baadi goob xoogan ugu jirta Maxaabiis ka baxsaday xabsi weyn

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa bilaabay baadigoob xooggan kaddib markii lix maxbuus oo Falastiiniyiin ah ay habeenkii ka baxsadeen mid ka mid ah jeelasha sida wayn loo ilaaliyo. Ragga ayaa la rumaysan yahay inay god ka qodeen qolkii ay uga jireen xabsiga Gilboa, kaddibna ay godka ka duseen oo dhanka kale kaga tallaabeen darbiga hoostiisa. Saraakiisha ayaa […]

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa bilaabay baadigoob xooggan kaddib markii lix maxbuus oo Falastiiniyiin ah ay habeenkii ka baxsadeen mid ka mid ah jeelasha sida wayn loo ilaaliyo.

Ragga ayaa la rumaysan yahay inay god ka qodeen qolkii ay uga jireen xabsiga Gilboa, kaddibna ay godka ka duseen oo dhanka kale kaga tallaabeen darbiga hoostiisa.

- Advertisement -

Saraakiisha ayaa waxaa wargeliyay beeralay arkay raggaas oo bannaanka ordaya.

Raggan baxsadka ah ayaa waxaa ku jira hogaamiyihii hore ee maleeshiyada Shuhadada Al-Aqsa iyo shan xubnood oo ka tirsan ururka Islamic Jihad.

Sarkaal ka tirsan adeegga jeelasha ee Israa’iil ayaa baxsadkaas ku tilmaamay “guuldarro wayn oo dhanka ammaanka iyo sirdoonkaba ah.” Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa dhankooda ku tilmaamay “halyeynimo”.

Latest stories