HomeWararFarmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble oo kulan uga socda Xaunta Madaxtooyada

Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan uga socda Xaunta Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu kulan uga socda Xarunta Madaxtooyada.

Kulankan ayaa la sheegay in looga hadlayo khilaafka soo kala dhexgalay Farmaajo iyo Rooble ee salka ku haaya xilka qaadistii Ra’iisul Wasaaraha uu ku sameeyay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin.

- Advertisement -

Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ah Taliyeyaasha Ciidamada oo uu ku jiro Taliyaha KMG ee NISA Sarreeye Guud Bashiir Goobe iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Carab oo la socda Rooble.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in kulanka uu ku biiri doono Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo la tilmaamay inuu waan waan ka dhex wado Rooble iyo Farmaajo.

Khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka bilowday, kadib markii xilka qaadis uu Rooble ku sameeyay Fahad Yaasiin oo Ra’iisul Wasaaraha faray inuu Warbixin ka keeno kiiska Ikraan Tahliil, balse uu shuruud ku xiray amarka la siiyay.

Latest stories