HomeWararBeesha Caalamka oo War kasoo saartay Kiiska Ikraan Tahliil iyo Khilaafka Madaxda

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Kiiska Ikraan Tahliil iyo Khilaafka Madaxda

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo abuuray khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in kiiska Ikraan Tahliil uu abuuray xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka, carqaladeyn karana hannaanka doorashada.

- Advertisement -

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqay inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan kiiska Ikraan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado, ayna ka shaqeeyaan doorashada.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

Sidoo kale waxaa ay intaas qoraalkooda kusii dareen “waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin”.

- Advertisement -

War-saxaafadeedka Beesha Caalamka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Latest stories