HomeWararShirweyne Maanta ka furmaya Magaalada Qaahira iyo Somalia oo ka qeyb galeysa

Shirweyne Maanta ka furmaya Magaalada Qaahira iyo Somalia oo ka qeyb galeysa

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Shirweynaha 47-aad ee Arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Waddamada Carabta ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo  Magaalada Qaahida ee Caasimadda dalka Masar. Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa xal u helida shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta waddamada Jaamacadda Carabta, furadaha shaqo, Horumarinta Shaqaalaha iyo saameynta COVID-19. Wasiirka […]

- Advertisement -

Shirweynaha 47-aad ee Arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Waddamada Carabta ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo  Magaalada Qaahida ee Caasimadda dalka Masar.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa xal u helida shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta waddamada Jaamacadda Carabta, furadaha shaqo, Horumarinta Shaqaalaha iyo saameynta COVID-19.

- Advertisement -

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha 47-aad ee Arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Waddamada Carabta ee Maanta furmaya.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa shirkan ku tilmaamay inuu albaab cusub u furayo sidii ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya iskaashiga wanaagsan ula yeelan lahayd wasaaradaha dhiggeeda ah ee Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka Safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa kulamo doceed la yeelan doona wasiirrada dhigiisa ah ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo Saraakiisha Jaamacadda Carabta.

Latest stories