HomeWararGuddoonka Barlamaanka Hirshabeelle oo la kulmay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka

Guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle oo la kulmay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Kulanka Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan iyo xubnaha Guddiga hirgelinta Doorashada heer Federaal ayaa ka wada hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa loona fududeeyn lahaa arimaha doorashooyinka Aqalka […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kulanka Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan iyo xubnaha Guddiga hirgelinta Doorashada heer Federaal ayaa ka wada hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa loona fududeeyn lahaa arimaha doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

- Advertisement -

Guddiga doorashooyinka ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle u sheegay in muhiim ay tahay doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ka dhaceysa Magaalada Jowhar ay noqoto mid Cadaalad, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf.

Xubnaha ka socda Guddiga hirgelinta Doorashada heer Federaal ee shalay gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa goobjoog ka noqon doona doorashada Senatorada Aqalka Sare ee ka dhaceysa Magaaladaas.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, waxaana Guddiga doorashada Maamulkaas ay ka dalbadeen inuu Madaxweynaha soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta.

Latest stories