HomeWararAl-shabaab oo war kasoo saaray dilkii Ikraan Tahliil

Al-shabaab oo war kasoo saaray dilkii Ikraan Tahliil

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

War kasoo baxay Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa lagu beeniyey hadalkii kasoo yeeray hay’ada sirdoonka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, hadalkaasi oo ahaa in Al-shabaab ay ka dambeeysay afduubkii iyo dilkii lagula kacay Ikraan Tahliil oo ahayd Sarkaalad u shaqeyneysay hay’adda NISA.
War lagu baahiyay Warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in aysan ka dambeeynin dilka gabadhaas, wax shaqo ahna aysan ku lahayn dilka iyo afduubka lagula kacay Ikraan Tahliil.

Dagaalamayaasha Al-shabaab waxaa ay sheegeen in dilkaasi aysan lug ku leheyn, waxaana ay intaas ku dareen in dowladdu ay masabidatay oo ay dusha ka saartay kiis aysan lug ku laahyn, waa sida lagu sheegaye warka lagu daabacay warbaainta taageerta Al-shabaab.

Warka dilka Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa Xalay fiidkii lagu shaaciyay warbaahinta dowladda, kaas oo tilmaamay in Shabaab ay afduubteen gabadhaas kaddibna ay dileen, iyadoo aanan lagu darin wax faafaahin ah oo intaasi dheer.

Hasayeeshee hooyo Qaali ayaa sheegtay in hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ay “ku raadganayso warkaas, iyagana ay mas’uul ka yihiin gabadheeda la la’yahay.”

Hadalkii kasoo yeeray Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA ayaa noqday mid hadal hayn badan dhaliyay, waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ay sheegeen in Al-shabaab aysan dilin Marxuumad Ikraan Tahliin Balse ay ku maqan tahay gacanta dowladda, iyadoo shaki galiyay warkii shalay la baahiyay ee ku aaddanaa in ay u gacan gashay Al-shabaab.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories