HomeWararDowladda Soomaaliya oo loogu deeqay gadiid iyo Agab loogu talagalay xakameynta COVID-19

Dowladda Soomaaliya oo loogu deeqay gadiid iyo Agab loogu talagalay xakameynta COVID-19

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Urur-Gobaleedka IGAD oo kaashanayso Midowga Yurub, isla markaana ka jawaabaya saameynta uu ku yeeshay COVID-19 dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya agab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo Saddex gadiidka gurmadka dega dega oo loogu talagalay magaalooyinka Tog-wajaale, Dhoobleey iyo Balad-xaawo oo dhammaan ku yaallo xuduudaha dalka. […]

- Advertisement -

Urur-Gobaleedka IGAD oo kaashanayso Midowga Yurub, isla markaana ka jawaabaya saameynta uu ku yeeshay COVID-19 dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya agab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo Saddex gadiidka gurmadka dega dega oo loogu talagalay magaalooyinka Tog-wajaale, Dhoobleey iyo Balad-xaawo oo dhammaan ku yaallo xuduudaha dalka.

Munaasabad oo ay ka qeyb-galeen Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin, Xildhibaanno, iyo madaxda urur gobaleedka IGAD, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNOPS ayaa lagu qabtay Muqdisho.

- Advertisement -

Wakiilka IGAD u qaabilsan dhanka Caafimaadka Marwo Mariam Maxamed Aadan, ayaa Agabka Caafimaad ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaakda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin ( Dr Gurey), ayaa uga mahadceliyay Urur gobaleedka IGAD, Midowga Yurub iyo xafiiska Qaramada Midoobay deeqdaan ay soo gaarsiiyeen Soomaaliya.

Urur gobaleedka IGAD ayaa si dhow ula shaqeeyo hey’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka taageero dhinacyada Awoodda Aqooneed ee shaqaalaha, dib u heshiista, Nabadda iyo dhinaca Ururada Bulshada rayidka iyo dhaqanka.

Latest stories