HomeCaalamkaTaalibaan oo la filayo in ay ku dhawaaqdo Magacyada golaha wasiirada cusub...

Taalibaan oo la filayo in ay ku dhawaaqdo Magacyada golaha wasiirada cusub ee Afghanistan

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Hoggaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan oo codsaday in aan magaciisa la shaaciin ayaa VOA u xaqiijiyey in Taalibaan ay ku jirto diyaargaroowgii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista Golaha Wasiirrada ee cusub oo la filayo inay ka mid noqdaan dhammaan xubnaha hadda ka tirsan golaha hoggaaminta.

Madaxa ugu sarreeya Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa wadatashiyo ku qabanaya magaalada Kandahar, oo loo yaqaan meesha ay ku dhalatay kooxda Taalibaan, waxaana weheliya ku-xigeennadiisa Sirajuddin Haqqani, oo ah madaxa shabakadda Haqqani, iyo Mullah Mohammad Yaqoob, oo ah wiilka aasaasaha Taalibaan Mullah Omar, ahna madaxa Guddiga militariga Taalibaan.

- Advertisement -

Liiska xubnaha hoggaamiya Taalibaan, oo la filayo in lagu daro Golaha Wasiirrada cusub ee Afghanistan waxaa ka mid ah;

Mullah Abdul Ghani Baradar, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee caasimadda Qatar ee Doha

Sheikh Abdul Hakeem, madaxa wada xaajoodka Taliban ee Doha

- Advertisement -

Sher Abbas Stanekzai, ku xigeenka kooxda wada xaajoodka ee Doha

Sadar Ibrahim, oo ahaa taliyihii hore ee guddiga militariga

Abdul Qayyum Zakir, taliyihii hore ee guddiga militariga

Mullah Fazil, wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga

Abdul Manan Akhund, oo la dhashay aasaasaha Taalibaan Mullah Omar

Maulvi Noor Muhammad Saqib, madaxii hore ee cadaalada Taalibaan

Amir Khan Muttaqi, wasiirkii hore ee warfaafinta

Abdul Salam Xanafi, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taaliban ee Doha

Qari Deen Muhammad, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taliban ee Doha

Lateef Mansoor, oo xubin ka ah kooxda wadahadalka Taliban ee Doha

Sheekh Qaasim, oo ka tirsan kooxda wada xaajoodka Taliban ee Doha

Muhammad Zahid Ahmadzai, diblumaasi hore oo Taalibaan oo joogi jiray Pakistan

Maulvi Abdul Kabeer, guddoomiyihii hore ee gobolka Nangarhar

Sheikh Abdul Hakim Sharee, oo ah wadaad saamayn badan leh

Noorulah Noori, maxbuuskii hore ugu xirnaa jiray xabsiga Guantanamo Bay

Abdur Rahman

Mullah Gul agha

Ameer Haqqani

Mullah Maxamed Xasan

Sheekh Shariif

Faizullah Khan

Taj Mir

Xafis Majeed

Latest stories