HomeCaalamkaToogasho ka dhacday meel ku dhow Xarun Safaarad iyo Digniin lasoo saaray

Toogasho ka dhacday meel ku dhow Xarun Safaarad iyo Digniin lasoo saaray

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Nin hubeysnaa ayaa lagu dilay meel u dhow safaaradda Faransiiska ee dalka Tanzania kadib markii uu labo askari ku dilay israsaaseyn halkaas ka dhacday. Safaaradda Mareykanka ee Tansaaniya ayaa soo saartay digniin degdeg ah ka dib markii nin hubeysan lagu dilay agagaarka Buundada Salenda oo ka baxsan safaaradda Faransiiska ee dalkaas. Ninkan oo ku hubeysnaa […]

- Advertisement -

Nin hubeysnaa ayaa lagu dilay meel u dhow safaaradda Faransiiska ee dalka Tanzania kadib markii uu labo askari ku dilay israsaaseyn halkaas ka dhacday.

Safaaradda Mareykanka ee Tansaaniya ayaa soo saartay digniin degdeg ah ka dib markii nin hubeysan lagu dilay agagaarka Buundada Salenda oo ka baxsan safaaradda Faransiiska ee dalkaas.

Ninkan oo ku hubeysnaa qori AK 47 ah, ayaa wuxuu taagnaa bannaanka hore ee Safaaradda, isaga oo u muuqday qof hagaya gaadiidka wadada maraya.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, booliska ayaa heegan la galiyay. Illaa iyo hadda boolisku wax war ah kama aysan soo saarin dhacdadan dadka badan naxdinta gelisay.

Safaaradda ayaa waxay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay taxaddar muujiyaan.

Latest stories