HomeWararDuqii hore ee Muqdisho oo War kasoo saaray Xaaladda Magaalada Baladweyne

Duqii hore ee Muqdisho oo War kasoo saaray Xaaladda Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Xaaladda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa weli ay tahay mid kacsan , kadib markii xalay Ciidamo la magac baxay Badbaadada Hiiraan ay qbasadeen Xarunta uu ku shaqeynayay Maamulka Gobolka. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in xaaladda ka […]

- Advertisement -

Xaaladda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa weli ay tahay mid kacsan , kadib markii xalay Ciidamo la magac baxay Badbaadada Hiiraan ay qbasadeen Xarunta uu ku shaqeynayay Maamulka Gobolka.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in xaaladda ka jirta Baladweyne ay u baahan tahay in lagu xaliyo heshiis iyo gogol nabaddeed.

- Advertisement -

Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa waxaa uu dhammaan inta ay quseyso arrinta ka jirta Hiiraan ugu baaqay inay xaliyaan xiisada ka jirta Magaalada Baladweyne, isla markaana arrimahaas la siiyo mudnaan, si loo gaaro heshiis wada jir ah.

“Xaaladda ka taagan Hiiraan xalkeedu waa gogol nabaddeed iyo wada heshiisin. Juujuub iyo teyda hala yeelo qofna meel ma gaarsiiso, sokeeye iyo xigtana way kaa fogeysaa. Soomaalina walaallow wax u dhaamma la waa! Waxaan ugu baaqayaa dhammaan inta ay quseyso arrinta Hiiraan in xallinta tabashada jirta mudnaanta la siiyo, dannaha is-huwanna laga daayo reer Hiiraan” ayuu yiri Taabid Cabdi.

Dadweyne farabadan oo isugu soo baxay xaafaddo ka tirsan Baladweyne ayaa dhigay Banaanbax ay uga horjeedan safar la sheegay in Baladweyne uu ku tegayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

- Advertisement -

Waddooyinka Magaalada ayaa waxaa la dhigay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka, waxaana waddooyinka qaar ay yihiin kuwo kala xiran, iyadoo halkaas uu ku sugan yahay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Latest stories