HomeCaalamkaTaaliban oo laga dilay 15, lagana qabsaday saddex degmo oo muhiim ah

Taaliban oo laga dilay 15, lagana qabsaday saddex degmo oo muhiim ah

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciidamo daacad u ah dowladdii la riday ee Afghanistan ayaa Jimcihii Taaliban dib uga qabsaday saddex degmo oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi maalmo uun kadib markii ay kooxdu dib u aas-aastay maamulkeedii dalkaasi. Warbaahinta bulshada ee taabacsan Taalibaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay dib uga gurteen gobolka Baghlan. Waxa ay sheegeen in ugu yaraan 15 […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo daacad u ah dowladdii la riday ee Afghanistan ayaa Jimcihii Taaliban dib uga qabsaday saddex degmo oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi maalmo uun kadib markii ay kooxdu dib u aas-aastay maamulkeedii dalkaasi.

Warbaahinta bulshada ee taabacsan Taalibaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay dib uga gurteen gobolka Baghlan. Waxa ay sheegeen in ugu yaraan 15 dagaallamayaasha Taliban ah ay ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawacmeen waxa ay ugu yeereen dhabarjebinta cafiskii ay kooxdu u fidisay xubnaha dowladdii hore ee Afghanistan.

- Advertisement -

Abdul Hamid, oo ah taliye maxalli ah ee koox lagu tilmaamay kacdoonka ka dhanka ah Taalibaan ayaa ku sheegay farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray degmada Andrab in ciidamadiisu ay qarka u saaran yihiin degmo kale, islamarkaana wacad ku maray in uu qabsan doonaan gobolka Baghlan oo dhan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in Taalibaan ay dalbatay ciidamo dheeri ah oo ka dagaalamaya degmada Andrab.

Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Amrullah Saleh oo Madaxweyne ku xigeen u soo noqday Madaxweynaha sida iskiis ah isku musaafuriyay ee Ashraf Ghani uu ku dhawaaqay inuu abaabulayo ciidan xoogan oo iska caaybiya Taalibaan oo uu ka wado gobolka uu ka soo jeedo ee Panjshir.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts