HomeCaalamkaTaalibaan oo si rasmi ah u billowday wadatashiga dhismaha dowlad cusub

Taalibaan oo si rasmi ah u billowday wadatashiga dhismaha dowlad cusub

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Aasaasaha kooxda Taalibaan Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa Sabtidii gaaray magaalada Kabul, si uu wadahadalo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa dowlad cusub uu ula yeesho xubnaha kooxidiisa iyo siyaasiyiinta kale ee Afghanistan.

“Wuxuu soo geli doonaan magaalada Kabul, si uu ula kulmo hoggaamiyeyaasha jihaad-doonka iyo siyaasiyiinta, si loo dhiso dowlad loo dhan yahay,” ayuu u sheegay walaaladda wararka ee APF sarkaal sare oo Taliban ah.

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Afghanistan Hamid Karzai iyo guddoomiyaha golaha sare ee dib-u-heshiisiinta Qaranka Abdullah Abdullah, oo isbahaysi la ah madaxweynaha is-musaafuriyay ee Ashraf Ghani, ayaa ka mid ahaa madaxdii shalay la kulantay hoggaamiyeyaasha Taalibaan.

“Waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan amniga muwaadiniinta Kabul iyo guud ahaan Afghanistan, midnimada & iskaashiga mustaqbalka dalka,” ayuu Abdullah bartiisa Twitter -ka ku soo qoray kulanka kaddib.

Abdullah, ayaa sheegay in Khalil Al-Rahman Haqqani oo dowladda Mareykanku ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah sanadkii 2011, uu hoggaaminayay wafdiga Taalibaan, wuxuuna xusay in Guddoomiyaha Senate-ka Afghanistan Fazal Hadi Muslimyar iyo xubno kale ay goobjoog ka ahaayen kulankaas.

- Advertisement -

Baradar, ayaa Talaadadii gaaray Afghanistan isaga oo ka yimid dalka Qadar, wuxuuna doortay inuu ka soo dego magaalada labaad ee ugu weyn dalka ee Kandahar – oo ah meeshii ka billaabatay aas-aaska Taalibaan.

Latest stories