HomeWararRW Rooble oo guddi baaritaan u Magacaabay dadkii Ciidanka AMISOM ay ku...

RW Rooble oo guddi baaritaan u Magacaabay dadkii Ciidanka AMISOM ay ku laayeen Golweyn

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Roble oo ka jawaabaya falkii ciidammo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah deegaanka Golweyn, ayaa u yeeray safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, isagoo guddi heer wasiir ahna u saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh. Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta ka socotay AMISOM iyo Uganda […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Roble oo ka jawaabaya falkii ciidammo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah deegaanka Golweyn, ayaa u yeeray safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, isagoo guddi heer wasiir ahna u saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta ka socotay AMISOM iyo Uganda ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dowladdu uga jawaabi doonto falkaasi, waxaana intaa ku daray in marnaba aysan Xukuumaddiisu aqbali doonin in lagu xad gudbo shacabka Soomaaliyeed, dhibaatana la gaarsiiyo.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi u saaray dhacdadaasi, waxaana Guddiga uu magacabaay ka mid ah Wasiirka Amniga, Caddaalada, Arrimaha gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

Latest stories