HomeCaalamkaMadaxweynihii hore ee Afganistan oo wacad ku maray inuu dib ugu laabanayo...

Madaxweynihii hore ee Afganistan oo wacad ku maray inuu dib ugu laabanayo dalkiisa

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ashraf Qaani waxa uu hadalkaasi ku sheegay Muuqaal uu shalay soo dhigay Bartiisa Facebook, maalmo kadib, markii uu ka soo baxsaday dalkiisa. “Waxaan joogaa Imaaraadka, balse, sida ugu dhaqsaha badan ayaan dib ugu laabanayaa dalkayga, kadib, markii aan dhameeyo La-Tashiyada aan la leeyahay kuwa kale” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Afganistan oo isaga iyo Qoyskiisa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ashraf Qaani waxa uu hadalkaasi ku sheegay Muuqaal uu shalay soo dhigay Bartiisa Facebook, maalmo kadib, markii uu ka soo baxsaday dalkiisa.

“Waxaan joogaa Imaaraadka, balse, sida ugu dhaqsaha badan ayaan dib ugu laabanayaa dalkayga, kadib, markii aan dhameeyo La-Tashiyada aan la leeyahay kuwa kale” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Afganistan oo isaga iyo Qoyskiisa ay Magangelyo Aadminimo ka heleen dalka Imaaraadka Carabta.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in isaga lagu khasbay inuu isaga soo cararo Kaabul iyo inuu isaga u sabab noqdo dhiig ku daata dalkiisa.

Bishan August 15-dii ayuu Ashraf Qaani ka soo dhoofay Afganistan, saacado ka hor inta aysan Kooxda Daalibaan dagaal la’aan ku soo gelin Kabul.

Madaxweyne-ku-xigeenkii Afganistan, Amrullaahi Saalax ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Sii-hayaha Xilka Madaxweynaha dalkaasi, sida uu dhigayo Dastuurka.

- Advertisement -

Waxa uu iclaamiyey dagaal Iska-caabin ah oo looga soo horjeedo Kooxda Daalibaan, oo iyagu 20-sano kadib dib ugu soo laabtay Talada dalkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts