HomeCaalamkaSarkaal sare oo ka tirsan Daalibaan iyo Madaxweynihii hore ee Afganistan oo...

Sarkaal sare oo ka tirsan Daalibaan iyo Madaxweynihii hore ee Afganistan oo kulan yeeshay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Xamiid Karazai waxa uu maanta la kulmay Anas Xaqaani oo ka mid ah Hoggaanka Sare ee Daalibaan, ahna xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Daalibaan ku leeyihiin Caasimadda dalka Qatar ee Doha iyo Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Shabakadda Xaqaani. Sarkaal u hadlay Ururka Daalibaan ayaa sheegay inuu kulankaasi qeyb ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Xamiid Karazai waxa uu maanta la kulmay Anas Xaqaani oo ka mid ah Hoggaanka Sare ee Daalibaan, ahna xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Daalibaan ku leeyihiin Caasimadda dalka Qatar ee Doha iyo Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Shabakadda Xaqaani.

Sarkaal u hadlay Ururka Daalibaan ayaa sheegay inuu kulankaasi qeyb ka yahay dadaalka ay Daalibaan ku dhisi doonto Xukuumad Cusub.

- Advertisement -

Xaamiid Karasaay waxaa kulankaasi ku wehliyey Madaxa Golaha Dib-u-heshiisiinta Qaran ee Afganistan, Cabdalla Cabdalla, ahna Ergaygii hore ee Nabadda ee Dowladii hore.

Shabakadda Xaqaani oo Saldhig ku leh Xuduudka Pakistan waxay Garab muhiim ka tahay Ururka Daalibaan ee Axadii la soo dhaafay la wareegay Caasimadda dalkaasi ee Kabul.

Kulanka maanta dhex maray Anas Xaqaani iyo Xamiid Karasaay ayaan faahfaahin dheeraad ah laga haynin, balse waxay u badan tahay in looga hadlay Dhismaha Dowlad Cusub oo loo dhan yahay iyo Dhacdooyinkii u dambeeyey ee dalkaasi.

- Advertisement -

Hoggaanka Daalibaan waxay horey u sheegeen inay dhisi doonaan Dowlad Islaami ah oo ay qeyb ka noqon doonaan Siyaasiyiin Caan ah oo la carabaabin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts