HomeWararWiil dhalinyaro ah oo ku geeriyooday Badda Warsheekh iyo faah faahin kasoo...

Wiil dhalinyaro ah oo ku geeriyooday Badda Warsheekh iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wararka aan ka heleyno degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in barqadii Maanta meel ku dhow xeebta degmadaas uu ku geeriyooday Wiil dhalinyaro ah oo badda ay qaaday. Dad ku sugan Warsheekh oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Wiilka dhalinyarada ahaa ay badda ka qaaday halka loo yaqaano […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in barqadii Maanta meel ku dhow xeebta degmadaas uu ku geeriyooday Wiil dhalinyaro ah oo badda ay qaaday.

Dad ku sugan Warsheekh oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Wiilka dhalinyarada ahaa ay badda ka qaaday halka loo yaqaano Qululubta ee xigta dhinaca Waqooyi, xili uu halkaas badda uga dabaalanayey.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Wiilka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Xuseen, waxaana xeebta gaaray dadweyne farabadan oo qaarkood soo qaaday Meydka Marxuumka.

Maxamed Axmed ayaa kamid ahaa Xer Subacley ah oo maalmo kahor degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle u tegay ka qeyb galka siyaaro ka socota degmadaas.

Daqiiqado kadib ayaa Marxuum Maxamed Axmed Xuseen lagu aasi doonaa qabuuro ku yaalla gudaha Warsheekh, waxaana geeridiisa ka naxay Qoyskiisa iyo Culumadii diinka soo baray, maadaama uu ahaa wadaad Subacley ah.

Latest stories