HomeWararMadaxweynihii hore ee Afgaanistaan ​​Xamiid Karzai oo Daalibaan la xiriiray

Madaxweynihii hore ee Afgaanistaan ​​Xamiid Karzai oo Daalibaan la xiriiray

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxweynihii hore ee Afgaanistaan ​​Xamiid Karzai ayaa xiriir la sameeyay ururka Daalibaan,si xaaladda dalka loo dajiyo dibna loogu soo celiyo nabadii iyo kala dambeyntii. Mr Karzai wuxuu ahaa hogaamiyaha Afghanistan intii u dhaxeysay sanadihii 2001-2014. Wuxuu sheegay in uu ka mid yahay gole ka kooban saddex xubnood oo ka shaqeynaya in awoodda si nabad ah […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Afgaanistaan ​​Xamiid Karzai ayaa xiriir la sameeyay ururka Daalibaan,si xaaladda dalka loo dajiyo dibna loogu soo celiyo nabadii iyo kala dambeyntii.

Mr Karzai wuxuu ahaa hogaamiyaha Afghanistan intii u dhaxeysay sanadihii 2001-2014.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in uu ka mid yahay gole ka kooban saddex xubnood oo ka shaqeynaya in awoodda si nabad ah loogu wareejiyo Daalibaan.

Golaha waxaa sidoo kale ku jira hoggaamiyaha xisbiga Hezb -e Islaami, Gulbuddin Hekmatyar – oo ahaa dagaal ooge hore oo siyaasi noqday iyo guddoomiyaha Golaha Sare ee Dib -u -heshiisiinta Qaranka iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Cabdullah Cabdullah.

Wareysi uu BBC-da siiyay, Mr Karzai wuxuu ku sheegay in goluhu uu xiriir la sameeyay hoggaanka Daalibaan, ayna la shaqeyn doonaan.

- Advertisement -

“Muhiimaddu waa nolosha iyo badbaadada dhammaan dadka reer Afgaanistaan ​​ujeeddadeenuna waa inaan taas dhisno” ayuu yiri Mr Karzai.

Sidoo kale wuxuu Mr Karzai sheegay in Daalibaan ay u sheegeen inay mas’uuliyiin magacaabeen si ay xoogga u saaraan ka shaqeynta ammaanka magaalada.

Madaxweynihii hore ee Afghaanistaan ayaa rajo ka muujiyay inay hirgasho tallaabada uu qaaday ee ah ka shaqeynta amniga Afghaanistaan gaarahaanna magaalada Kaabul.

Latest stories