HomeCaalamkaDhowr qof oo lagu dilay Garoonka Diyaradaha ee Kabul

Dhowr qof oo lagu dilay Garoonka Diyaradaha ee Kabul

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dhowr qof ayaa saakayto lagu dilay Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalka Afganistan ee Kabul, kadib, markii ay Ciiddanka Maraykanka rasaas fureen. Ilo dhanka Amaanka ayaa sheegay inay Ciiddanka Maraykanka ee la wareegay Garoonkaasi ay rasaaseeyeen dad Reer Afgaan ah oo ku sugnaa xayndaabka Garoonka oo uu Ciriiri badan ka jiray. Wakaalladda Wararka FP waxay mar […]

- Advertisement -

Dhowr qof ayaa saakayto lagu dilay Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalka Afganistan ee Kabul, kadib, markii ay Ciiddanka Maraykanka rasaas fureen.

Ilo dhanka Amaanka ayaa sheegay inay Ciiddanka Maraykanka ee la wareegay Garoonkaasi ay rasaaseeyeen dad Reer Afgaan ah oo ku sugnaa xayndaabka Garoonka oo uu Ciriiri badan ka jiray.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka FP waxay mar sii horeysay sheegtay inay Ciiddanka Maraykanka rideen rasaas digniin ah, si ay dib u celiyaan dad badan oo ku soo xoomay Dhabaha ay Diyaaradaha ka hinqadaan, kuna soo degaan (The Runway).

Goobjoogayaal kale la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxay sheegeen in ugu yaraan 5 qof lagu dilay Rasaasta ay Ciiddanka Maraykanka ku fureen dadweyne badan oo ku yaacay Diyaarad Garoonka taagnayd, si ay u baxsadaan Cabsida iyo Hubaal La’aanta ka jirta magaalladda Kabul.

Warbaahinadda Caalamka waxay qaarkood sheegayaan in ugu yaraan 3 qof lagu dilay Garoonka Kaabul.

Latest stories