HomeCaalamkaBoqolaal Ciidamo Mareykan ah oo ku wajahan Kabul iyo wararkiii ugu dambeeyay...

Boqolaal Ciidamo Mareykan ah oo ku wajahan Kabul iyo wararkiii ugu dambeeyay Afghanistaan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Toddobaadyo un kahor inta aanay dowladda Mareykanka soo geba-gebeyn kasoo saarista militarigeeda ee dalka Afghanistan, ayaa taliyayaasha waxay boqolaal askari oo cusub u direen magaalada Kabul. Waxay shegeeen in hadafka uu yahay in diblomaasiyiinta Mareykanka iyo xulufadooda reer Afghanistan laga soo daad-gureeyo halkaas, kadib markii ay si rasmi ah ula wareegtay kooxda Taliban. Sarkaal ka […]

- Advertisement -

Toddobaadyo un kahor inta aanay dowladda Mareykanka soo geba-gebeyn kasoo saarista militarigeeda ee dalka Afghanistan, ayaa taliyayaasha waxay boqolaal askari oo cusub u direen magaalada Kabul.

Waxay shegeeen in hadafka uu yahay in diblomaasiyiinta Mareykanka iyo xulufadooda reer Afghanistan laga soo daad-gureeyo halkaas, kadib markii ay si rasmi ah ula wareegtay kooxda Taliban.

- Advertisement -

Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa goor dambe oo Axaddii ah VOA u xaqiijiyey in Mareykanka uu 1,000 askari oo kale oo ka tirsan guutada 82-aad ee qeybta Airborne Brigade Combat u diray garoonka diyaardaaha Hamid Karzai ee Kabul, halkaasi oo saraakiisha iyo muwaadiniinta Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeya ay gabbaad ka dhigteen.

Tegitaanka ciidankan cusub ayaa tirada guud ee ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ka dhigeysa 6,000, taasi oo saddex jeer ka badan tirada ciidankii Mareykanka halkaas uga sugnaa markii ay billaabeen ka bixitaankooda, bishii May.

hore, sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa VOA u sheegay inay gacanta ku hayaan maamulka safaaradda iyo garoonka diyaaradaha. Hase yeeshee saacado gudahood ayaa waxaa rasaas ay kusoo dhaceysay garoonka.

- Advertisement -

Pentagon-ka ayaa goor dambe oo Axaddii ah sheegay inay la wareegeen maamulka hawada garoonka, ayaga oo gacan ka helaya ciidamada Afghanistan.

“Duulimaadyada ganacsi waa ay socdaan, inkasta oo mararka qaar uu hakad ku imanayo,” waxaa sidaas yiri afhayeneka Pentagon-ka John Kirby.

“Boqolaal muwaadiniin ah oo ay ku jiraan shaqaale Mareykan ah iyo rayid kale ayaa illaa hadda lasoo qaaday,” ayuu yiri Kirby. “Waxaan sii dhisi doonnaa awood aan ku dedejineyno soo qaadista muwaadiniinta Afghanistan ee halista ku jira.”

Kirby ayaa ka digay in “halis kasta oo lagu soo rogo howlgalka Mareykanka loo qaadan doono si dhab ah, loogana jawaabi doono awood xooggan.”

Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa la-wareegista Taliban ee dalka Afghanistan ugu yeeray “mid qalbiga xanuujineysa,” wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka shaqeynayaan inay dhammaan dadka Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey kasoo saaraan dalkaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken ayaa sheegay in badqabka shaqaalaha Mareykanka, oo weli ku sugan safaaradda, iyo Afgaaniyiinta caawiyey ay tahay “shaqadooda koowaad.”

“Mareykanka wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo suurta-gal ah oo aan awoodno, si aan uga soo baxno dalka, haddii taas ay tahay waxa ay doonayaan,” ayuu Blinken u sheegay Barnaamijka State of the Union ee taleefishinka CNN.

“Taliban waxba ma aynan weydiisan. Waxaan u sheegnay haddii ay faraha lasoo galaan shaqaalaheena ama holwgalladeena inta aan ka baxeyno, ay jiri doonto jawaab deg deg ah oo adag,” ayuu yiri Blinken.

Latest stories