HomeWararWafdi ka socda Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada oo u safray Baydhabo

Wafdi ka socda Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada oo u safray Baydhabo

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wafdi ka socda Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maxamed Ibrahim Barre ayaa u ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Xubnaha Guddiga ayaa waxay kor joogto ka ahaan doonaan doorashada 3-da xubnood aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Maanta ka dhaceysa Baydhabo, xili uu socdo diyaa garoow. Lix Musharax ayaa […]

- Advertisement -

Wafdi ka socda Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maxamed Ibrahim Barre ayaa u ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xubnaha Guddiga ayaa waxay kor joogto ka ahaan doonaan doorashada 3-da xubnood aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Maanta ka dhaceysa Baydhabo, xili uu socdo diyaa garoow.

- Advertisement -

Lix Musharax ayaa ku tartamaya saddex kursi oo kamid ah 8-da kursi ee Aqalka Sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed, waxaana dadka Musharaxiinta tartameysa kamid ah Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji.

Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa dooran doona kuraasta harsan ee doorashada Aqalka Sare, waxaana haatan howlka Baarlamaanka Maamulkaas ka ka socota qaban-qabadii ugu dambeysay ee doorashada dhaceysa.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo horey Puntland u dhameystirtay.

Latest stories