HomeCaalamkaKooxda Daalibaan oo fogaan yar u jirsaday Caasimadda Afganistaan

Kooxda Daalibaan oo fogaan yar u jirsaday Caasimadda Afganistaan

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay inay Maleeshiyada Daalibaan ku sugan yihiin meel wax ka yar 80 KM dhanka Koonfureed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Kabul. Warar ayaa sheegaya inay Daalibaan doonayaan inay Kabul la wareegaan ka hor bishan Agost 30-da oo ah maalinta ugu dambaysa ee Ciiddamadda Isbahaysiga Maraykanka isaga huleeli doonaan dalkaasi oo ay ku […]

- Advertisement -

Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay inay Maleeshiyada Daalibaan ku sugan yihiin meel wax ka yar 80 KM dhanka Koonfureed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Kabul.

Warar ayaa sheegaya inay Daalibaan doonayaan inay Kabul la wareegaan ka hor bishan Agost 30-da oo ah maalinta ugu dambaysa ee Ciiddamadda Isbahaysiga Maraykanka isaga huleeli doonaan dalkaasi oo ay ku sugnaayeen tan iyo dabayaqadii sanadkii 2001-dii.

- Advertisement -

Sidoo kale, Kooda Daalibaan waxay Waaberigii hore ee saakayto weerar dhowr jiho ah ku qaadeen magaalladda Mazaara-Shariif, iyadoo dagaal culus uu ka socda duleedka magaalladaasi.

Madaxweynaha Afganistan, Ashraf Qaani waxa uu Arbacadii hore booqday magaalladda Mazaara Shariif, isagoo kulamo la yeeshay Taliyayaasha Maleeshiyooyin daacad u h Dowladda.

Dhinaca kale, Daalibaan waxay la wareegeen Idaacadda weyn ee ku taallay magaalladda Khandahaar ee Koonfurta dalkaasi, oo ay Maleeshiyada la wareegeen Isbuucii hore.

- Advertisement -

Idaacadda waxaa magaceeda lagu bedelay Codka Shareecadda, iyadoo dhamaan Shaqaalaha Idaacadda joogaan, waxay baahin doonaan Wararka, Falaanqeynta Siyasadda iyo Quraanka Kariimka.

Daalibaan waxay sanadihii la soo dhaafay adeegsan jireen Idacadaha Nooca Guur-guura, mana jiraan Idaacado ay Daalibaan leeyihiin oo ka hawl-gala magaallooyinka waa weyn, tan iyo muddadii ay dalkaasi xukumayeen sanadihii 1996-kii ilaa 2001-dii.

Latest stories