HomeWararRa'iisal Wasaare Rooble "Wax khilaaf ah nama dhexyaallo aniga iyo Madaxweyne Farmaajo"

Ra’iisal Wasaare Rooble “Wax khilaaf ah nama dhexyaallo aniga iyo Madaxweyne Farmaajo”

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo la hadlay ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Nairobi ayaa meesha ka saaray in khilaaf uu kala dhexeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Horraantii bishan ayay ahayd markii ay warqado u muuqdo kuwo la isugu jawaabayo ay ka soo kala baxeen xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, arrintaas oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo la hadlay ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Nairobi ayaa meesha ka saaray in khilaaf uu kala dhexeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Horraantii bishan ayay ahayd markii ay warqado u muuqdo kuwo la isugu jawaabayo ay ka soo kala baxeen xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, arrintaas oo dhalisay tuhun ah in labada mas’uul uu khilaaf soo kala dhexgalay.

- Advertisement -

“Heshiis ayaan nahay, dalkaas haddaan heshiis la ahayn ma soconayo oo qar ayuu ka sii dhacayaa. Anniga iyo madaxweynaha waxaa naga go’an in dalkaas aan gaarsiinno doorasho annaga oo wada soconna, si nabad ah, oo xasillooni ku jirto oo isfahan ku jiro. Wax caqabad ah ama wax khilaaf ah ma jiro,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble.
Hadal haynta la xiriirta khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Farmaajo digreeto uu soo saaray uu ku sheegay in hay’adaha dowladda aysan geli karin heshiisyo masiiri ah maaddaama uu dalka galay xaalad doorasho.

Wareegtada madaxweynaha ayaa ku soo beegantay xilli Muqdisho ay ku soo wajahneyd wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya, Raychelle Omamo.

Maalmo kadibna, ra’iisal wasaare Rooble ayaa u safray Kenya si uu wadahadal ku aaddan xiriirka labada dal ula yeesho madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts

Popular

spot_img
spot_img