HomeCaalamkaKooxda Daaliban oo la wareegtay Caasimad Goboleed kale

Kooxda Daaliban oo la wareegtay Caasimad Goboleed kale

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Dagaalamayaasha Kooxdaasi waxay maanta si buuxda ula wareegeen Caasimadda Gobalka Badakhashaan ee Faisabaad ee Waqooyiga Afganistan, waana Caasimad-gobaleedkii 8-aad oo ay ku qabsadeen muddo 6 maalmood gudaheeda. Jawaad Mujaahidi oo ka tirsan Golaha Goblkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa xaqiijiyey in dagaal muddo socdo kadib ay Daalibaan la wareegeen magaalladda Faisabaad ee Caasimadda u ah Gobalka Badakhashan oo u dhow […]

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Kooxdaasi waxay maanta si buuxda ula wareegeen Caasimadda Gobalka Badakhashaan ee Faisabaad ee Waqooyiga Afganistan, waana Caasimad-gobaleedkii 8-aad oo ay ku qabsadeen muddo 6 maalmood gudaheeda.

Jawaad Mujaahidi oo ka tirsan Golaha Goblkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa xaqiijiyey in dagaal muddo socdo kadib ay Daalibaan la wareegeen magaalladda Faisabaad ee Caasimadda u ah Gobalka Badakhashan oo u dhow Xuduudka dalalka Pakistan, Tajakistaan iyo Shiinaha.

- Advertisement -

Kooxda Daalibaan waxay si buuxda ula soo wareegeen Caasimadaha Goballadda Badakhashan, Baqlaan iyo Farax.

Dhinaca kale, Madaxweyne Ashraf Qaani waxa uu booqasho ku tegay magaalladda Mazaar-shariif oo Caasimad u ah Gobalka Balkh ee Waqooyiga dalkaasi.

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Madaxweynaha kala hadli doono Madaxda iyo Taliska Gobalkaasi arrimo la xiriira Ammaanka.

- Advertisement -

Ashraf Qaani waxaa safarkiisa ku wehliya Marshal Abdirashid Dostan oo mar soo noqday Madaxweyne-ku-xigeen.

Safarkiisa waxa uu ku soo beegmay maalin kadib, markii ay Kooxda Daalibaan la wareegeen Caasimadda Gobalka Baqlaan ee Polie-Khomri, taasi oo ku taalla Wadada Istaraatijiyadda leh ee isku-xirta magaallooyinka Kaabul iyo Masaara-shariif.

Latest stories