HomeCaalamkaRaashiya oo ku baaqday Qaab-dhismeedka Cusub ee QM ee La-dagaalanka Dembiyadda Baddaha

Raashiya oo ku baaqday Qaab-dhismeedka Cusub ee QM ee La-dagaalanka Dembiyadda Baddaha

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Valadamir Putin waxa uu hadalkaasi ka sheegay Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka xalay ka yeesheen Khatarta Burcad-baddeeda iyo sidii ay Caalamka isaga kaashan lahaayeen Xal-u-helinta Arrintaasi. Kulankaasi oo ku dhacay Qaabka Fogaan Aragga ee Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) waxaaa guddoominayey Ra’isul-wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi, iyadoo ay Hindiya Guddoomiye u tahay 15-ka xubnood […]

- Advertisement -

Madaxweyne Valadamir Putin waxa uu hadalkaasi ka sheegay Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka xalay ka yeesheen Khatarta Burcad-baddeeda iyo sidii ay Caalamka isaga kaashan lahaayeen Xal-u-helinta Arrintaasi.

Kulankaasi oo ku dhacay Qaabka Fogaan Aragga ee Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) waxaaa guddoominayey Ra’isul-wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi, iyadoo ay Hindiya Guddoomiye u tahay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ee bishan August.

- Advertisement -

Madaxweynaha Raashiya waxa uu ku booriyey Golaha Ammaanka ee QM in la sameeyo Qaab-dhismeedka cusub ee La-dagaalanka Dembiyadda Baddaha, iyadoo la waafijinayo Cahdiga QM u degsan, kaasi oo si toos ah lagula macaaltimi doono La-dagaalanka Dembiyadda Baddaha ee ka dhaca Goballo kala duwan.

Valadmir Putin waxa kale oo uu tilmaamay inay kordheen falalka dhaca Baddaha iyo Xaalladaha Afdubka, iyadoo aysan dhowr Waddan awoodi Karin La-dagaalanka Dembiyada isaga kala gudba dalalka, Burcad-baddeeda iyo Kooxaha Argagixisadda, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Khudbadda uu Madaxweynaha Rashiya ka jeediyey Kulanka xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxa uu ku soo hadal-qaaday inuu dalkiisa doonayo in la dhiso Iskaashi miro-dhal oo taageero ka geysanaya Amamanka Badweynta Hindiya, Gacanka Beerishiya, Gacanka Gini ee Badweynta Atlantic Ocean, halkaasi oo lagu arkay inay kordhayaan dhaca Baddaha iyo Afduubka.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inuu dalkiisa door ballaaran ka qatay Dhaqdhaqaaqyada arrintasi ee Gudaha QM iyo kuwa Gobaleedka, oo ay ku jiraan Kooxda Isku-xirka ee Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia iyo Madal-gobaleedka Ururka dalalka K/Bari Asiya ee ASEAN iyo Shirarka dalalka Bariga Qaaradda Asia.

Latest stories