HomeCaalamkaDaalibaan oo loogu baaqay inay joojiyaan dagaalka iyo dhismaha Dowlad Ku-meel-gaar ah

Daalibaan oo loogu baaqay inay joojiyaan dagaalka iyo dhismaha Dowlad Ku-meel-gaar ah

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ergayga Khaaska ee Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Dib-u-heshiisiinta Afganistan, Zalmaay Khaliilzaad ayaa u ambabaxay Caasimadda dalka Qatar ee Doha, si uu uga qeyb galo Wada-hadalka Nabadda ee dalkaasi. Hadal k soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Dowladda Maraykanka ugu baaqayso Kooxda Daalibaan inay joojiyaan gulufka colaadeed ee ay ka wadaan Afganistaan. […]

- Advertisement -

Ergayga Khaaska ee Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Dib-u-heshiisiinta Afganistan, Zalmaay Khaliilzaad ayaa u ambabaxay Caasimadda dalka Qatar ee Doha, si uu uga qeyb galo Wada-hadalka Nabadda ee dalkaasi.

Hadal k soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Dowladda Maraykanka ugu baaqayso Kooxda Daalibaan inay joojiyaan gulufka colaadeed ee ay ka wadaan Afganistaan.

- Advertisement -

Zalmaay Khaliilzaad oo asal ahaan Afgaanistan u dhashay waxa la filayaa inuu Wada-hadalo la yeesho Ergo ka socota Xafiiska Siyaasadda ee Dalibaan u joogta magaalladda Doha, si looga arrinsado Xabbad-joojin iyo Xal-u-raadinta Nabadda dalkaasi.

Dhinaca kale, Afhayeenka rasmiga ee Kooxda Daalibaan, Zabiullah Mujaahid waxa uu gaashaanka ku dhuftay Hindise ay Dowladda Maraykanka ku doonayso in Dowlad Ku-meel-gaar ah oo ay Daalibaan qeyb ka tahay looga dhiso dalka Afghanistaan.

“Ma oggolaan doono Dowlad Ku-meel-gaar ah, Codsigeena waa Xalka Asaasiga, waana waajib in la helo. Dhismaha Dowlad KMG ma aha Qorshaheena” ayuu yiri Afhayeenka Daalibaan oo Waraysi siiyey Warbaahinta Sputnik ee Raashiya.

- Advertisement -

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Dagaalamayaasha Daalibaan maanta qabsadeen caasimad-gobaleedkii 6-aad ee Afganistaan.

Latest stories