HomeCaalamkaIGAD oo ka wada hadli doona Xiisadaha ka taagan dalka Koonfurta Suudan

IGAD oo ka wada hadli doona Xiisadaha ka taagan dalka Koonfurta Suudan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Toddobada dal ee xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD ayaa la filayaa in caawa Kulan dhanka Muuqaalka (Video Conference) ku yeeshaan Colaadda u dhexeysa Garabyada Xisbiga Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi, Reek Majaar. Qoraal ka soo baxay Xoghaynta Urur-gobaleedka IGAD ayaa lagu sheegay in Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Sudan, Somalia, Jabuuti, Kenya, Ethiopia, Uganda […]

- Advertisement -

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Toddobada dal ee xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD ayaa la filayaa in caawa Kulan dhanka Muuqaalka (Video Conference) ku yeeshaan Colaadda u dhexeysa Garabyada Xisbiga Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi, Reek Majaar.

Qoraal ka soo baxay Xoghaynta Urur-gobaleedka IGAD ayaa lagu sheegay in Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Sudan, Somalia, Jabuuti, Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Koonfurta Suudan Kulan Khadka Zoomka kaga xaajoon doonaan Xaalladda Siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.

- Advertisement -

Ugu yaraan 32 qof ayaa lagu dilay iska-horimaadyo dhacay toddobaadkan,kadib, markii Reek Majaar laga qaaday xilalka Hoggaamiyihii Xisbiga SPLA-IO iyo Madixii Ciiddanka ee Xisbigaasi.

Urur-gobaleedka IGAD waxa uu kaalin muhiim ah ka ciyaaray Wada-hadaladii Nabadda ee lagu soo af-jaray dagaalkii muddada shanta sano u dhexeeyey Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan, Salva Kiir iyo Taageerayaasha u daacadda ahaa Reek Majaar.

Dagaaladaasi waxay galaafteen nolosha dad lagu qiyaasay 400,000 oo qof.

Latest stories