HomeWararGarabka Cabdi Xaashi oo diiday ka qeyb galka Doorashada Maanta dhaceysa

Garabka Cabdi Xaashi oo diiday ka qeyb galka Doorashada Maanta dhaceysa

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Waxaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Guddoonka Guddiga Somaliland ee maamulaya doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi. Xubnaha Guddiga doorashada Somaliland ayaa doorashadooda Maanta ku dooran Guddoon hoggaamiya Guddiga oo ka kooban 11-xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi, Mahi Guuleed iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Guddoonka Guddiga Somaliland ee maamulaya doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi.

Xubnaha Guddiga doorashada Somaliland ayaa doorashadooda Maanta ku dooran Guddoon hoggaamiya Guddiga oo ka kooban 11-xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi, Mahi Guuleed iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

- Advertisement -

Dhinaca kale doorashada dhaceysa ayaa waxaa diiday inay ka qeyb galaan xubnaha Garabka ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Xubnahan oo ah afar ka mid ah sideedda Guddiga deegaan doorashada Somaliland ee ka yimid dhanka Cabdi Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galkooda doorashada Maanta ka dhaceysa Teendhada Afisyooni.

Waxaa ay dalbadeen afarta xubnood ee Cabdi Xaashi inay uga qeyb geli karaan oo kaliya doorashada in 8 xubnood ee Guddiga ka qeyb galaan doorashada iyo in wada hadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira.

- Advertisement -

Guddiga doorashada Somaliland ayaa waxaa ka taagan khilaaf xoogan oo sababay in Guddiga dhex-diisa ay Guddoon kala doortaan, hayeeshee markii dambe doorashooyinkaas ayaa waxaa baabi’iyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts