HomeWararAskar horey u dishay Muwaadin Soomaali oo wax Dacwad lagu soo oogi...

Askar horey u dishay Muwaadin Soomaali oo wax Dacwad lagu soo oogi doonin

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Saddex Sarkaal oo ka tirsan Boliska magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay inaysan wajahi doonin Dacwad ku aadan inay Muwaaadin Somali-Maraykan  lagu magacaabi jirey Dolaal Ciid ku dhaawaaceen bishii December 30-dii ee sanadkii 2020-kii.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen in Marxuumka la toogtay, xilli la baarayey inuu ku lug lahaa Ganacsiga Hubka.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Gobalka Dakota, Kathy Keen ayaa sheegtay kadib, markii dib loo eego Kiiskaasi la ogaaday inaysan jirin wax asaas u noqon kara inay saddexda Askari  ku muteysan karaan dacwad dembiyeed.

Waxay kaloo sheegtay inay  Saraakiisha ka fursan waayeen inay Dolaal Ciid toogtaan, kadib, markii uu rasaas ku soo furay.

Waaxda Boliska mgaalladda Minneapolis weli wax qoraal ah kama soo saarin Baaritaanka Dacwad-oogaha ee Kiiska dilka ee Doolaal Ciid loo geystay.

Dhinaca kale, Agaasimaha Golaha Xiriirka Muslimiinta Maraykanka, Jaylaani Xuseen  waxa uu tilmaamay in Qoyska Doolaal Ciid doonayaan inuu Guddoomiyaha Gobalka Minnesota, Tim Walz uu Kiiskasi ku wareejiyo Xeer-Ilaaliyaha Gobalkaasi, Keith Ellison.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Qoyska Marxuumka kiiskaasi  weli arkin Muuqaalka Kaameerada jirka ku xirtaan Boliska, balse ay ogaadeen inaan Saraakiisha Boliska ee dilka geysatay aan wax dacwad ah lagu soo oogi doonin.

Dibdbaxyo looga soo horjeeda dilka Doolal Ciid ayaa waxay ka dhaceen magaalladda Minneapolis, iyadoo ay ka qeyb galeen Qoyska Marxuumka, Jaalliyada Soomaalida  iyo dadka ku nool Gobalka Minnesota.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories