HomeWararMadaxweyne Deni oo soo saaraya Liiska Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland

Madaxweyne Deni oo soo saaraya Liiska Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa inuu maanta soo saaro Liiska Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Puntland. Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in tan iyo xalay uu kulamo gaar gaar ah waday, waxaana warar aan helnay ay tilmaamayaan in Siciid Cabdullaahi Deni uu la kulmay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamanka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa inuu maanta soo saaro Liiska Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in tan iyo xalay uu kulamo gaar gaar ah waday, waxaana warar aan helnay ay tilmaamayaan in Siciid Cabdullaahi Deni uu la kulmay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, waxaana kulamadaasi lagu falanqeeyay arrimo ku aaddan Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Dowlad Goboleedka Puntland.

- Advertisement -

Wararka ayaa tilmaamaya in si gaar ah uu ula kulmay Siciid Deni Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeenka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Sidoo kale wararku waxa ay intaa ku darayaan in Deni uu Xildhibaanada ula kulmay si gobol gobol ah, waxaana si qoto dheer looga hadlay kulamadaasi liiska xubnaha u sharraxan Aqalka Sare ee laga soo doorto Puntland.

Doorashada aqalka sare oo billaw u ah doorashada soo aaddan ayaa waxaa ilaa iyo hadda i rasmi ah ay kaga dhacday jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana la sugayaa in maamulada kalena ay doorashadu ka dhacdo.

Latest stories