HomeWararPuntland oo kala qaaday maleeshiyo Beeleed uu dhexmaray Dagaal

Puntland oo kala qaaday maleeshiyo Beeleed uu dhexmaray Dagaal

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Maamulka Puntland ayaa kala qaaday laba maleeshiyo beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay deegaanka Saax-maygaag ee Gobolka Sool, kuwaasi oo uu dhexmaray dagaal geystay khasaaro.

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa tegay Saax-maygaag, isla markaana ku guuleystay kala qaadista maleeshiyaadka hubeysan, iyagoona la wareegay amniga, si ay u sugaan.

Sidoo kale deegaanka waxaa booqday Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka labada dhinac, waxaana ay ka wada hadleen fulinta amarkii ka soo baxay Maamulka oo ku saabsanaa in laga guuro dhammaan dhulka lagu dagaallamay.

Maamulka ayaa mamnuucday in wax degaamayn ah laga sameeyo dhul-daaqsimeedka Saax-Maygaag iyo Sango Jebiye ee Gobolka Sool, si loo xakameeyo colaadda ku salaysan muranka dhuleed ee u dhexaysa labada dhinac.

Si kastaba dagaalo u dhexeeyay laba maleeshiyaad oo hubeysan ayaa waxaa maalmo kahor uu ka dhacay deegaanada Saax-Maygaag iyo Sango Jebiye, kuwaasi oo geystay khasaaro kala duwan, waxaana dagaalka uu salka ku haayay muran la xiriira dhul-daaqsimeed.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories