HomeCaalamkaLubnaan iyo Israa'iil oo is-weydaarsaday Madaafiic xoogan

Lubnaan iyo Israa’iil oo is-weydaarsaday Madaafiic xoogan

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Shan Gantaal oo laga soo tuuray Koonfurta dhanka Lubnaan ayaa waxay ku habsadeen gudaha Israel.

Warar ayaa waxay sheegayan in Gantaalladaasi laga soo ganay gudaha dhulka Reer Falastiin, iyadoo inta badan Gantaaladaasi ku habsadeen dhulka Furan ee Xuduudka Israel.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Lubnaan ee NNA waxay qortay in 4 Gantaal oo ay Milliteriga Israel soo tuureen ay ku habsadeen dhulka Buuralayda ee Kafarshooba ee gudaha Xuduudka Lubnaan.

Israel waxay kaloo duqeeyeen Deeganka Sadana ee duleedka Degmadda Shebac, iyadoo uu dab ka kacay inta u dhexeysa Shebac iyo Habiiriyah.

Dhawaaqa Digniinta hore bixiya ee Israel ayaa laga maqlay meel ku dhow Deegaanka Kirayat Shamoona ee kaabiga ku haya xuduudka Lubnaan, halkaasi oo 20,000 oo qof oo dadka Yuhuudda ah la dejiyey.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Janaalka 12-aad ee Telefishinka Israel waxa uu sheegay in mid ka mid ah Gantaallada laga soo tuuray gudaha Lubnaan hawada lagu burburiyey.

Milliteriga Israel waxay rumeysan yihiin inay Kooxaha Hubeysan ee Reer Falastiin ee ku sugan gudaha dalka Lubnaan ka dambeeyeen Gantaallada ku soo dhacay gudaha Israel.

Latest stories