HomeWararKhasaaro ka dhashay Dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab

Khasaaro ka dhashay Dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo Maanta ka dhacay duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool. Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin duleedka […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo Maanta ka dhacay duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin duleedka Waajid, sidaasina uu ku dhacay dagaal muddo kooban socday.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhacay oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana la xaqiijiyay in dagaalka ay ku geeriyoodeen 7 askari, halka tirro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Toddobadan Askari ee ku dhintay dagaalka ayaa waxay 4 kamid ka tirsanaayeen Ciidanka dowladda Federaalka, halka saddexda kalena laga dilay Al-shabaab, waxaana dadka deegaanka Waajid ay sheegeen in Meydadka shabaabka la geeyay degmadaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo goobta lagu dagaalamay ee duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka ay ku sugan yihiin halkaas.

Latest stories