HomeCaalamkaQM oo lagu dhaliilay ka hadlida Ciidamo nabad-ilaalin ah oo loo diray Dal

QM oo lagu dhaliilay ka hadlida Ciidamo nabad-ilaalin ah oo loo diray Dal

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Danjiraha Hindiya u jooga Xarunta Dhexe ee QM, ahna Madaxa Golaha Ammaanka ee bishan, T.S. Tirumurti ayaa hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay New York, wuxuuna xusay inaysan QM marnaba soo hadal-qaadin Ciiddamo loo diro Afganistan, balse ay QM haatan diirada saarayso adbaadinta Shaqaalahooda ee Hawlgalka Taageeradda Afganistan ee UNAMA.

Waxa kale oo uu tilmaamay inaysan xubnaha Golaha Ammaanka ee QM marnaba isweydiinin in Ra’yiga ciiddamo loo daadgureeyo Afganistan, xilli ay Milliteriga Maraykanka ka soo baxayaan dalkaasi ay colaaduhu halakeeyeen.

- Advertisement -

Ambassador T.S. Tirumurti oo bishan guddoomin doona Golaha Ammaanka ee QM waxa uu tilmaamay in walaaca ugu weyn ee ay Xoghayaha Guud ee QM iyo Ku-xigeenkiisa ka fekeraan tahay Badqabka iyo Ammaanka Hawlgalka QM ee  Afganistan.

Dhinaca kale, Afhayeenka QM, Isteefane Dujarik waxa uu mar hore sheegay in QM qaadayso dhamaan Tallaabooyinka lagu badaadinayo Shaqaaalahooda ku sugan QM, kadib, weerarkii dhawaan lagu qaaday Dhismaha QM ku leedahay Gobalka Heart ee Afganistan.

Latest stories