HomeCaalamkaDowladda Itoobiya oo sheegtay in ay ka takhluusi doonto TPLF

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay ka takhluusi doonto TPLF

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Dowladda Itoobiya ayaa waalli ku tilmaantay dalabka fallaagada TPLF ee ka dagaallabto gobolka woqooyi ee Tigray. Wasiirka arrimaha dimuquraadiyadda Itoobiya, Zadig Abraha, ayaa BBC-da u sheegay in TPLF ay ku riyooneyso awood siyaasadeed oo aan jirin, wuxuuna sheegay in gebi ahaanba fallaagadaasi laga saari doono tuulooyinka gobolkaasi marka sida uu sheegay dowladda dhexe uu ka […]

- Advertisement -

Dowladda Itoobiya ayaa waalli ku tilmaantay dalabka fallaagada TPLF ee ka dagaallabto gobolka woqooyi ee Tigray.

Wasiirka arrimaha dimuquraadiyadda Itoobiya, Zadig Abraha, ayaa BBC-da u sheegay in TPLF ay ku riyooneyso awood siyaasadeed oo aan jirin, wuxuuna sheegay in gebi ahaanba fallaagadaasi laga saari doono tuulooyinka gobolkaasi marka sida uu sheegay dowladda dhexe uu ka dhammaado dulqaadka.

- Advertisement -

Zadig waxa uu beeniyay sheegashada fallaagada TPLF ee ah in la go’doomiyay gobolka Tigreeda, wuxuuna sheegay in mas’uuliyadda dowladda ay tahay xaqiijinta in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka gobolkaasi.

Waxa uu intaa ku daray in aysan jiri doonin wadahadal ay la galayaan TPLF oo uu ku tilmaamay koox argagixiso ah.

Fallaagada TPLF ayaa haatan gacanta ku hayso caasimadda gobolka Tigreeda ee Maqalle iyo magaalooyin kale oo ku yaal gobolkaasi kaddib markii ciidamada dowladda ay halkaasi isaga bexeen.

- Advertisement -

TPLF ayaa haysay xukunka gobolka Tigreeda ka hor inta ciidamada dowladda dhexe aysan ku duulin kaddib weerar ciidamada TPLF ee xilligaasi ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taallay woqooyiga dalkaasi Itoobiya.

Latest stories