HomeWararCiidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo la wareegay degaanno hor leh

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo la wareegay degaanno hor leh

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka aan ka helayno duleed Degaanka Qaycad ayaa ku warramaya in Saaka ay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwo Galmudug oo isgarabsanaya ay halkaasi lawareegeen. Wararku waxaa ay tilmaaamyaan in Ciidamadu ay saaka gudaha u galay Saldhigii Alshabaab ku lahaayeen meel u dhow Qeycad, halkaas oo ay shalay duqeeyeen Diyaaradaha dagaalka, waxaana kasoo baxaya warar […]

- Advertisement -

Wararka aan ka helayno duleed Degaanka Qaycad ayaa ku warramaya in Saaka ay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwo Galmudug oo isgarabsanaya ay halkaasi lawareegeen.

Wararku waxaa ay tilmaaamyaan in Ciidamadu ay saaka gudaha u galay Saldhigii Alshabaab ku lahaayeen meel u dhow Qeycad, halkaas oo ay shalay duqeeyeen Diyaaradaha dagaalka, waxaana kasoo baxaya warar kaal duwan oo ku aaddan Goobahaasi ay qabsadeen Ciidanka Huwanta ah.

- Advertisement -

Saraakiisha howgalkaasi ka dhanka ah Al-Shabaab hoggaaminaysa ayaa sheegay in ay khasaaro gaarsiiyeen Al-Shabaab, inkastoo ilaa iyo hadda aan la hayn xogta dhabta ah ee dagaalkaasi.

Sidoo kale Wararku waxaa ay intaa ku darayaan Al-shabaab ay degaanka Saaka banneeyeen, kadib duqeymo la sheegay in shala galab lagu sameeyay,waxaana goobihi ay ka bexeen la waregay Ciidanka Dowladda iyo kuwo Galmudug, e dhawaanahan Al-shabaab kula dagaalamayay Gobolka Mudug.

Taliyaha Ciidamada Danab ee Galmudug ayaa la sheegay in uu Hogaaminayey Ciidamadii saaka Galay Goobtii Shalay Alshabaab lagu duqeeyey oo ah Duleedka Deegaanka Qaycad, waxaana sidoo kale lasoo sheegayaa in xaaladda degaanku ay tahay mid kacsan, maaddama saacad kasta halkaas laga filan karo in dagaal culusi ka qarxo.

- Advertisement -

Maal mihii u dambeeyay degaanka Qaycad iyo degaanno hoos yimimaada waxaa ka socday dagaallo culus oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinaca iyo Al-shabaab, waxaana jira Duqeymo culus oo laga fuliyay degaankaasi,kaasi oo ay fuliyeen diyaarado.

Latest stories