HomeWararBoliska Kenya oo sheegay in Dhowr qof lagu dilay Mandheera

Boliska Kenya oo sheegay in Dhowr qof lagu dilay Mandheera

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Boliska dalkaasi waxay sheegeen in xubno lala xiriirinayo Alshabaab ay labo weerar ka geysteen gudaha Mandheera oo lagu dilay ugu yaraan 3 qof, halka 2 kalena lagu dhaawacay. Qoraalka ka soo baxay Boliska Kenya waxaa lagu xusay in weeraradaasi oo dhacay maalmihii la soo dhaafay ay geysteen xubno lagu tuhunsan yahay Alshabaab, kana hawlgala Mandheera, […]

- Advertisement -

Boliska dalkaasi waxay sheegeen in xubno lala xiriirinayo Alshabaab ay labo weerar ka geysteen gudaha Mandheera oo lagu dilay ugu yaraan 3 qof, halka 2 kalena lagu dhaawacay.

Qoraalka ka soo baxay Boliska Kenya waxaa lagu xusay in weeraradaasi oo dhacay maalmihii la soo dhaafay ay geysteen xubno lagu tuhunsan yahay Alshabaab, kana hawlgala Mandheera, waa sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

Boliska Kenya waxay tilmaameen in Weerarkii Koowaad oo dhacay maalintii Sabtida ee Isbuucan, iyadoo Gaari yar oo isaga kala gooshayey Degmooyinka Fiino iyo Mandheera lagu weeraray Deegaanka Kamoor Baahaw.

Sida laga soo xigtay Boliska iyo dadka Deegaanka waxaa weerarkaasi ku dhimatay haweeney xanuunsan oo loo waday Isbitaalka, halka 2 kalena uu soo gaaray dhaawacyo culus.
Haweeneyda la dilay waxaa magaceeda lagu sheegay Ruqiyo Aadan 00 50-jir ah, halka wiilkeeda oo lagu magacaabo C/qaadir Kuno uu ka dhaawacmay Bowdada.

Wargeyska The Star waxa uu Boliska Kenya ka soo xigtay in gaari kale lagu weeraray duleedka Deegaanka Fiiq, laguna dilay Aabe iyo Wiilkiisa.

- Advertisement -

Boliska waxay magacyada dadka la dilay ku kala sheegeen Mowliid Bilow iyo Wiilkiisa, Axmed Bata.

Dhinaca kale, Taliyaha Bolis Gobaleedka Mandheera, RonoBunei waxa uu tilmaaamay inay adkeeyeen Ammaanka Deegaanada uu weerarku ka dhacay, isla markaana ay Boliska ku raad-joogaan dadkii ka dambeeyey weeraradaasi.

Latest stories