HomeCaalamkaShaqsi lala xiriirinayo Kaymaha ku gubanayo Turkiga oo gacanta lagu dhigay

Shaqsi lala xiriirinayo Kaymaha ku gubanayo Turkiga oo gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa ku dhawaaqay in la xiray Nin lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa dabka ka kacay Kaymaha ku yaalla Degmadda Mila see Koonfurta dalkaasi. Madaxweynaha waxa uu hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalladda Mamaris, lagana baahiyey Teleshinka NTV. Erdogan waxa uu Diyaarad Helikoptar ah ku dul […]

- Advertisement -

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa ku dhawaaqay in la xiray Nin lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa dabka ka kacay Kaymaha ku yaalla Degmadda Mila see Koonfurta dalkaasi.

Madaxweynaha waxa uu hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalladda Mamaris, lagana baahiyey Teleshinka NTV.

- Advertisement -

Erdogan waxa uu Diyaarad Helikoptar ah ku dul maray kaymaha gubanaya, wuxuuna xusay inay Hawlgaladaasi ka qeyb qaadanayaan 4,000 oo Shaqaale, 6 Diyaaradaaha waa weyn, 45 Helikopter, 9 Diyaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Darooniska, 117 Gaadiidka Dab-damiska, 31 Ambalaas iyo 65 Qalabka Dhismaha.

Waxa kale oo uu xusay in 5 million oo Lacagta Liiraha Turkiga, una dhiganta 5.91 million oo Dollar loo fasaxay, si loogu adeegsado Baahida Degdegga ee Deegaanada uu dabka baabi’iyey.

Tan iyo bishii la soo dhaafay ee July28-dii, 98 dhul-kaymeed ayaa waxaa ka kacay dab xooggan, kaasi oo ku faafay intaa badan Goballadda ku yaalla Koonfurta dalkaasi.

- Advertisement -

Ilaa 6 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Masiibadaasi, halka 200 oo kalena uu soo gaaray dhaawac.

Latest stories