HomeWararMusharaxiinta Xildhibaanada G/Waqooyi oo taageray Guddiga Doorashada ee uu magacaabay RW Rooble

Musharaxiinta Xildhibaanada G/Waqooyi oo taageray Guddiga Doorashada ee uu magacaabay RW Rooble

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Musharaxiinta u tartamaysa kuraasta Xildhibaanada iyo Senatarada gobolada Waqooyi ayaa taageeray shaqada guddiga doorashada ee uu magacaabay Ra’iisal wasaare Rooble,Musharaxiinta oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Sidoo kale waxay dalbadeen in la bilaabo doorashada Aqalka Sare iyo mida Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi, iyagoo cadeeyay […]

- Advertisement -

Musharaxiinta u tartamaysa kuraasta Xildhibaanada iyo Senatarada gobolada Waqooyi ayaa taageeray shaqada guddiga doorashada ee uu magacaabay Ra’iisal wasaare Rooble,Musharaxiinta oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale waxay dalbadeen in la bilaabo doorashada Aqalka Sare iyo mida Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi, iyagoo cadeeyay inay diyaar u yihiin inay tartanka doorashada ka qeyb galaan,iyagoo codsaday inaan doorashada loo curyaamin shikhsiyaad qaswadayaal ah oo tiro yar.

- Advertisement -

Kulanka Musharaxiinta Xildhibaanada iyo Senatarada gobolada Waqooyi waxaa goobjoog ka ahaa Siyaasiyiin, Odoyaal dhaqan, dhalinyaro, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada Waqooyi

Todobaadkii ina dhaafay ayaa 40 xildhibaan oo ka soo jeeda Gobolada Woqooyi Somaliland sidoo kale taageereen dedaalka Raisal Wasaaraha ee hirgelinta doorashada qaranka.

Waxa xusid mudan xubnahan Taageeray RW Rooble inay Hoggaaminayeen musharaxiin ka tirsan Garabkii Guddoomiyihii hore Aqalka sare Cabdi Xaashi.

Latest stories