HomeCaalamkaXukun lagu riday Eedeysanayaal tahriibinayey Gantaal

Xukun lagu riday Eedeysanayaal tahriibinayey Gantaal

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Maxkamad Gobaleedka Rostov ee dalka Raashiya waxay maanta Xukun ku riday Labo Nin oo lagu helay inay tahriibinayeen qeybo ka mid ah Gantaalka Nidaamka Difaaca Hawada ee S 300. Labada Eedeysane oo u kala dhashay dalalka Raashiya iyo Yukrayn waxaa lagu soo oogay Fal-dembiyeedka Basaasnimo iyo Khiayano Qaran, iyagoo la sheegay inay  doonayeen inay Qalabka Raadaarka ee S […]

- Advertisement -

Maxkamad Gobaleedka Rostov ee dalka Raashiya waxay maanta Xukun ku riday Labo Nin oo lagu helay inay tahriibinayeen qeybo ka mid ah Gantaalka Nidaamka Difaaca Hawada ee S 300.

Labada Eedeysane oo u kala dhashay dalalka Raashiya iyo Yukrayn waxaa lagu soo oogay Fal-dembiyeedka Basaasnimo iyo Khiayano Qaran, iyagoo la sheegay inay  doonayeen inay Qalabka Raadaarka ee S 300 u gudbiyaan Shirkadda Difaaca ee dalka Yukrayn.

- Advertisement -

Eedeysanaha u dhashay Raashiya oo lagu magacaabo Denis Lobof  waxaa lagu  xukumay  Xabsi 9 sano iyo 6 bilood, halka Eedeysanaha u dhashay Yukrayn oo lagu magacaabo Ararat Khajatrayan lagu xukumay 10-sano iyo 5 bilood oo Xabsi ah.

Maxkamaddu waxay kaloo amartay in Labada Eedeysane  lagu xiro Xabsi amaankiisa aad loo ilaaliyo.

Latest stories